Sawirro-Dugsiga Gambool Garoowe oo deeq ku Wareejiyey gudiga gurmadka abaaraha.

December 01 2016 (Puntlandes)-Maamulka, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Gambool Garoowe ayaa maanta gudiga gurmadka abaaraha ku wareejiyey deeq loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen.

Gurmadkaan kayimid ardayda ayaa ka koobnaa raashinka noocyadiisa kala duwan, lacag, timir, dhar iyo agab kale ayaa waxaa laga soo ururiyey ardayda wax ka barata dugsiga Gambool Garoowe.

Maamulaha dugsiga Cali Ibraahim Xuseen (Cali Suudaan), iyo gudiga gurmadka ayaa ardayda ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaateen gurmadka abaaraha kajira Puntland.

SAWIRRO

15179051_1182412618514342_8617350420128371907_n 15241899_1182413468514257_6690981510977781669_n 15267685_1182414041847533_2819360156565843426_n 15284055_1182413318514272_9039508093645242578_n 15285007_1182412705181000_2889238564840487039_n 15327368_1182412885180982_1955337713192724776_n

About The Author