Gaalkacyo: Khamri lagu gubay meel fagaare ah iyo danbiile la xukumay

1 Dec 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay maalmahaan ka socdaan, dadaalo badan oo lagu xaqiijinayo Amaanka guud ee Gobolka, ayaa waxaa Maxkamada Darajada koowaad la hor keenay eedaysanayaal iyo Mukhaadiraad ay wateen.

Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee Dowladda Puntland, ayaa soo qabtay gaari nooca Kaaribtaa oo ay ka buuxaa caagado khamri ah.

Eedaysanaha lagu soo qatay khamriga sida ay Ciidanku sheegeen, ayaa ku dooday in uusan isagu wadan, isaga oo ciidankii soo qabtay ku eedeeyey in ay iyagu wateen khamriga, ayna doonayeen in ay isaga eeda dusha kaga tuuraan.

Maxkamada Darajada koowaad ayaa dhagaysattay eedayntii xeer ilaaliyaha iyo markhaatiyaal oo ahaa ciidankii soo qabtay, sidoo kalana waxaa ay dhagaysattay is difaaciddii uu is difaacay eedaysanaha, iyada oo ugu danbayntiina Gu’aan ku gaartay in ay xukun Halsano ah, iyo in Khamriga lagubo.

Waxaa kale oo la soo bandhigay Xirmooyin xashiish ah, oo iyaga lasoo qabtay in kasta oo danbiilihii uu fakaday misana waxaa ay Boolisku sheegeen in ay danbiilihii daba joogaan, ayna maxkamada horkeeni doonaan markii ay gacanta kusoo dhigaan.

Ugu danbayntii gudoomiyaha maxkamada iyo taliyaha ciidanka ladagaalanka Argagixisada ayaa fariin adag u diray dadweynaha, sidoo kalana ka codsadat in ay soo war galiyaan markasta oo ay la kulmaan falal amaanka iyo sharafta dalka liddi ku ah si ay wax uga qabtaan.

SAWIRRO

img_3013 img_3011 img_2996 img_2994 img_2991 img_2967 img_2964 img_2939 img_2922 img_2915 img_2900
Puntlandes.com

About The Author