DHAGAYSO: Taliyah Ciidanka la dagaalanka Argagixisada oo Fariin adag u diraya Garsoorka Puntland

1 Dec 2016 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka la dagaalanka Argagixisada Gen Muxiyadiin Axmed Muuse, oo ka hadlayey meel fagaare ah oo ay Ciidanka iyo maxkamada darajada koowaad ku gubeen Maandooriyayaal, ayaa fariin u diray Shacabka iyo Garsoorka Puntland.

img_2979

Taliyaha ayaa Garsoorka ka codsaday in ay wax ka badalaan sida ay u dhaqmayaan danbiilayaasha, lagusoo qabto iyaga oo ka ganacsanaya Maandooriya oo baadiyaynaya dhalinyaradeena.

Taliyaha ayaa sheegay in ay marar badan arkeen, go’aan ay maxkamadi gaartay oo Racfaan laga qaatay, kadibna danbiilihii oo kiiskii ku cadyahay, lasiidaynayo ama xabsi gaaban lagu xukumayo, loona ogolaanayo in uu iibsado, taas oo dhiiri galinaysa fasaadka.

Taliye Gen Muxiyadiin ayaa kusoo cel celiyey dhibaatada ay fududaynayaan garsoorku, waxaana uu codsaday in aan danbiilayaasha loo ogolaan in ay shacabka kusoo laa laabtaan oo ay ka dhex shaqaystaan, iyaga oo maan dooriyayaal wada.

Shacabka ayuu ka codsaday in ay lashaqeeyaan, oo farta ugu fiiqaan qofka danbiilahaa iyo meelaha lagu gadayo maandooriya, ayna ku dhuumanayaan Argagixisdu.

Dhagayso.

Puntlandes.com

About The Author