Dhagayso: Caasho Xaaji Cilmi oo Eedeysay Madaxweynaha Galmudug

1 Dec 2016 (Puntlandes) Iyadoo Shalay ay magaalada Cadaado ka dhacday Doorasho ay Beesha Kursiga iska leh ay u soo gudbisay inay u ku tartamaan Gabdjho kaliya ayey waxay magaxweynaha Galmudug Cabdikariim iyi Guddiga Doorashada ee maamulkaasi ku bedeleen inay Rag u tartamaan Kursigaas.

232-5d5

Kursiga ayaa waxaa la filayey inay ku tartantamaan xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi iyo Gabdho kale, laakiin Caasho ayaa diiday inay Rag la tartanto.

Xil. Caasha ayaa sheegtey in Madaxweynaha Galmudug ku yiri “Kursiga waxaad ku fadhiyay 16 sano, dadka la soo doortey oo Baarlamaanka kamid noqonaya kuwo badan ayaa 16 sano Xildhibaan soo ahaa denbina maaha taasi, dadka waxqabadka leh 40 sano ayey fadhin karaan xitaa ayey tiri Caasho Xaaji Cilmi mar ay u warameysey VOA.

Kursiga Caasha Xaaji u tartameysey ayey sheegtey in ay duulaan gaar ah ku ahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada iyo Madaxweynaha Galmudug, waxaana si gaar ah kursiga iigu haystey Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey tiri Caasha Xaaji Cilmi

Waarar soo baxay maanta ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada ee heer Federaal ay maanta war ka so saarayaan doorashadii shalay ka dhacdey Cadaado ee kursiga haweenka lagu boobay.

Dhayso Xildhibaanad Caasha oo ay VOA ka waraysatay arinkan


Puntlandes.com

About The Author