DEG DEG Xil. Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo qaadacay Tartanka doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee beeshiisa

2 dec 2016 (Puntlandes ) Sheesh C/qaadir Cali Cumar oo Ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka waqtigiisu dhammaday ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada Tartanka Kursiga Aqalka Hoose ee Beeshiisa Saleebaan/Heysoow oo ay maanta ku tartami lahaayeen isaga iyo Musharax kale oo taageero ka heysta Madaxtooyada.

saab-vs-abdi
Saabir Nuur Shuuriye oo ay madaxtooyadu wadato iyo C/qaadir Cali Cumar

C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay inuu tartanka isaga baxay, markii uu ogaaday inay jiraan musuq maasuq iyo ergooyin been abuur ahaa oo la qortay si ay ugu codeeyaan musharaxa ay madaxtooyadu wadato.

“Muddo 30 maalmood ayay wadeen sidii ay u bedeli lahaayeen ergooyinkii saxda ahaa, waxaa jirtay 34 ergo oo ahaa kuwo sax ah, waxaa lagu bedelay ergooyin kale ee been abuur ah, hadii meesha wax doorasho oolin oo ku shubasho ay jirto, sidaas ayaa Tartanka isaga haray”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo saxaafadda la hadlay.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay inuu jiro go’aan Madaxtooyada ka soo baxay oo ay fulineyso Galmudug, kaasoo ah in aan isaga ku soo bixin kursiga Xildhibaannimo, sidaas darteed uu yahay qorshe isaga looga hor-joogsanayo, maadaama uu taageero ka heysto dadka deegaanka.

Waxaa uu sheegay in aan iyaga haba yaraatee lagu soo wargelin doorashada ka dhaceysa Madaxtooyada, sidaas darteed la rabo in meel cidlo ah laga qaato, isagoo tilmaamay in Tartanka doorashada lagu soo beegay xilli maalin jimco ah oo salaada khudbada la aadayo sida uu yiri.

Waa kursigii labaad oo ka tirsan kuraasta soo gaaray Beesha Saleebaan oo inta aan tartankiisa dhicin la qaadaco, maalin ka hor ayay aheyd markii Caasha Xaaji Cilmi oo ka mid aheyd Musharaxiintii u tartamayay Kursiga Beesha Saleebaan/Gaabane ay qaadacday, kaddib markii la diiday in kursigan u tartamaan Haween kaliya.

Tartanka u dhaxeeyay C/qaadir Cali Cumar iyo Saabir Nuur Shuuriye ayaa ahaa mid aad loo hadla hayay, waxaana dad badan ay tartanka kursigan la xiriiriyeen  inay si hoose ah ah ugu loolamayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif.

Puntlandes.com

About The Author