RW Cumar oo shalay tagay magaalada Kismayo & ujeedada Safarkiisa

2 dec 2016 (Puntlandes ) Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa waxa uu gaaray magaalada Kismayo shalay isagoo  halkaas kulan kula leh Madaxda Jubbaland iyo xubnaha labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland.

217-8l

RW Cumar ayaa kullan waxa uu halkaasi iminka kula leeyahay 51 xubnood ee ka tirsan Labada Aqal ee Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa weydiistay xubnaha labada aqal ee Jubbooyinka inay taageeraan qorshihiisa siyaasadeed iyo Musharaxnimadiisa, isla markaana ay ka qeyb qaataan is bedelka la doonayo inuu ka dhaco dalka.

Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu xooggan ee ololaha weyn ugu jira sidii xilka madaxweynaha ugu guuleysan lahaayeen, waxaana dhowrkii todobaad ee u dambeeyay uu tagayay xarumaha maamul goboleedyada, sida Baydhabo, Kismaayo iyo Garowe.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in uu  RW Cumar ku sugnaan doono magaalada Kismayo ilaa berri, isagoo iminka wada olole aad u xoogan oo uu suxulduub ugu jiro sidii uu u hakan lahaa xilka madaxweynaha Soomaaliya .

Puntlandes.com

 

About The Author