Safarka shaqo ee madaxeyne Gaas uu ku tagi doono Addis Abeba, Nairobo & ugu dambayn Maputo Mozambique

2 Dec 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo wararkeedii hore ku baahisay Safarka shaqo ee madaxeyne Gaas iyo wafdi hogaaminataa ay ugu wajahan yihiin Caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, ayaa iska bedelay in wafdigu ay marka hore soo mari doonaan magaalada Addis Abeba ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Addis Abeba kula Kulmi doona madaxda dalkaasi iyagoo ka wada hadli doona arimaha Gobolka.

Addis Abeba ayuu kadibna waxa uu sii aadi doonaa Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi isagoo kula kulmi doona Beesha Caalamka ee danaynaysa Doorasha Soiomaaliya.

Nairobi ayey madaxweynaha iyo wafdigiisu uga sii gudbi doonaan Caasimadda dalka Mozambique ee Maputo.

gaas1-764160

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay ka heleen dawlada dalkaasi Casuumad Rasmi ah, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dhinac iyo arimo Ganacsi.

Madaxeyne Gaas ayaa la Kulmi doona madaxda dalkaasi, iyagoo ka wada hadlin doono xiriir cusub oo ay Puntland la yeelan doonto dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa caawa waxay kasoo dagayaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi, iyagoo berina uga sii gudbaya dalka Mozambique sida ay ogootay Warbaahinta Puntlandes.

Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii u dambeeyey waxay Safar shoqo oo la xiriira Maalgashiga Puntland ku joogeen dalka China iyagoo guulo kasoo gaaray Safarkaas.

Puntlandes.com

About The Author