Dhagayso-Daawo Video: RW Cumar oo Kismayo ugu soo bandhigay xubnaha JL ee labada Aqal ee barlamanka JFS Siyaasadda uu dalka ku hogaamin doono

2 Dec 2016 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa Kismayo waxa uu kula shiray xubnaha Jubaland ee labada Aqal ee Baarlamanka cusub ee Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya isagoo usoo bandhigay Siyaasadda uu dalka ku hogaamin doono 4 sanno ee soo socta.
Dhagayso Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmarke


217-8l

Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar ayaa waxa uu usoo bandhigay xubnaha Jubaland ee labada Aqal Siyaasaddiisa ama Barnaamijkiisa ku aadan Musharaxnimadda ee uu dalka ku hagi doono 4ta sano ee soo socota taasoo:

  • In dalka lagu soo celiyo Xasilooni Siyaasadeed 
  • In dalka laga soosro Isqabsi dabe oo ah Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ishaysta
  • In ummadda Soomaaliyeed la isku hayo, Dib u heshiisiin sax ah ahna loo sameeyo
  • In dib loo Dhiso Ciidamadii kala duwanaa ee Qaranka Soomaaliyeed
  • In dalka Amni lagu soo celiyo
  • In laga shaqaysiiyi Nidaamka Federaalka ee aynu qaadanay
  • In Shaqo loo abuuro dhalinyaradda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa yiri “Waxaan u sheegaya Xildhibaanada in aan ahay Musharax u taagan ´Kursiga madaxweyninimo, in ay muhiim tahay in Hogaanka u sareeya dalka dib loo fiiriyo oo wax laga bedelo sida uu hadda u shaqeeyo, runtiina uu dalkani uu isbedel madaxweyninimo uu u baahan yahay, sababtuna ay tahay in Isqabqabsi badan uu dalka u keenay dib u dhac…loona baahan yahay maanta qof garan kara Ra’iisul Wasaare Fursada uu u baahan yahay inuu ku shaqeeyo, siin karana, madaxweyne ahaana Hogaan iyo Aragti dalka ku hogaamin kara xukunkana Xukuumadda u dayn kara..”


Puntlandes.com

About The Author