Gaalkacyo: 16ka maalmood ee Tacadiyada haweenka oo Gaalkacyo laga xusay

Wasaaradda Haweenka Gobolka Mudug ayaa maanta xustay 16bari ee Tacadiyada haweenka, oo sanad kasta laxusso, oo ka caawiyeen hay’addo kala gadisan oo ay wada shaqayn dhow leeyihiin.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay haweenka gobolka Qay bahooda kala gadisan, waxaana looga hadlay arimo farabadan oo kala gedisan, kuwaas oo muhiim u ah haweenka iyo tacadiyada haweenka, oo ay wasaaraddu ka war bixisay guulaha laga gaaray iyo kuwa haatan u baahan in laga gudbiyo.

Wasaaradda haweenka ayaa sheegtay in haatan gacanta lagu hayo, sharcigii kufsiga haweenka in uu madaxweynuhu saxiixay, dhawaanna la qaybinayo, taas oo sahli doonto in ciqaab adag la marsiiyo ninkii kufsi u gaysta haweenka Puntland.

 

SAWIRRO.

img_3988 img_4000 img_4005 img_4009 img_4014 img_4032 img_4043 img_4046 img_4051 img_4054 img_4057 img_4066

About The Author