UNHCR oo warbixin ka soo saartay tirada tahriibayaasha sanadkaan badaha ku dhintay.

Tirada dadka sida sharcidarada ah ugu tahriib Yurub ee sanadkan badda Mediterranean-ka ku dhimatay ayaa gaartay 5,000 oo qof, taas oo ah tiradii ugu badneyd abid, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Dhammaan dadkaasi ayaa waxa ay fuulaan doonyo halis ah,  si ay uga baxsadaan ciidamada oo aan loo xirin, taas ayaana ah farsamo cusub, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

William Spindler, oo ah afhayeen u hadlay UNHCR ayaa wuxuu sheegay in tirada dhimashada oo sare u kacday ay tahay digniin, wuxuuna xusay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen inay hal mar isla diraan kumannaan qof oo doomo kala duwan saaran, taas oo dhib ka dhigeysa samata bixinta.

Ku dhowaad, 360,000 oo qof ayaa sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub, badankoodana waxay gaareen Taliyaaniga iyo Giriigga, sida ay sheegtay hay’ada socdaalka caalamka ee IOM.

Sanadkii hore ee 2015-kii, 3,800 oo qof ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay IOM.

About The Author