Sawirro: Hay’ada wadooyinka Puntland oo bilowday mudida tabeelayaasha iyo wacyigalinta Bulshada mashruuca wadada Garoowe – Gaalkacyo wajiga 1aad Jalam – Xarfo

28 dec 2016 (Puntlandes) Madaxda Hay’ada Wadooyinka Puntland oo u horeeyo Gudoomiyaha Hay’addaas Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan iyo Hay’ada GIZ ayaa waxay dadweynaha ku nool Deegaanka Mashruuca laga fulinayo ee Jalam-Xarfo u sameeyeen wacyi galin ku aadan ka qayb galka habsami u socodka mashruuca.

Waxaa si gaar ahaaneed usoo dhaweeyey dhismaha Wadada Jalam-Xarfo Dadwaynaha ku dhaqan deegaankaas, kadib markii goor hore si mutadawacnimo ah ay u bilaabeen in ay dhirta ka jaraan wadada hareeraheeda, eeg sawirrada hoose.

Hay’ada Wadooyinka Puntland oo ah Hay’ada dawlada Puntland u qaabilsan Wadooyinka ayaa waxay bilaabaysaa bisha fooda inagu soo haysa ee janaayo 2017ka dhismaha Wado Jey ah oo 80km ah si ku meel gaar ahna loo isticmaalo inta uu socda dhismaha wadadii hore ee Burburtay oo dhismaheedu bilaaban doono, wajiga koowaad Jajam-Xarfo oo 80km ah.

Wajiga koowaad ee dhismaha Wadada Jalam-Xarfo ayaa lagu wadaa haddii Allah idmo inay bilaabato bisha fooda inagu soo haysa ee janaayo 2017ka.

Dhismaha wadadan waa Guul usoo hoyatay reer Puntland iyo Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed maadama ay tahay wado halbowle u ah dalka Soomaaliya.

Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA) ayaa ah Aqoonyahan wax wayn ka bedelay Hay’da Wadooyinka Puntland ee PHA ayna taariikhdu xusi doonto.

Shaqooyinka wanaagsan ee uu u qabtay reer Puntland Eng Maxamuud lama soo koobi karo laakiin waxaanu ka xusaynaa:

1. Dib u dhiskii Buundadii Midigar ee Wadada dheer ee isku xirta Caasimadda Garowe iyoxarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso
2. Dib u dhis Buundooyinka aaga Buuraleyda Bosaso (Meer meerka)
3. Kor u qaadidada tayada shaqaalaha iyo Hay’adda PHA, oo aan oran karno kama horeyn hogaaminta Eng Maxamuud.
4. Dhismaha Qayb ka mid ah Wadada Wadaagsin oo dhererkeedu yahay 56km
5. Laangoynta iyo Toosinta Wadada Eyl – Dangoranyo oo dhererkeedu yahay 130km
6. Samaynta qorshe magaalayn ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burtinle.
7. Fulinta iyo soo dhiraan dhirinta Mashruuca Wadada Garoowe – Gaalkacyo
8. Fikirka iyo hal abuurka Dhismaha Wadada Ceeldaahir – Ceerigaabo
9. Dhismaha Wadooyinka Madaxtooyadda dawlada Puntland iminka laga dhisayo
10. Fikrada ah in Birta Culus ama qalabka wadooyinka dhismahooda loo adeegsado ay dawalada Puntland soo iibsato
9. Iyo mashaariic kale oo badan.

Daawo sawiradda
1

1a

1b

1c

1d

2

2a

3

3a

3b

4

4a

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16
Puntlandes.com

About The Author