Sawirro: Dudun oo laga dhagax dhigay Ceel Biyood, MCH iyo Saldhig Booliis (Wadadii Horumarka)

28 dec 2016 (Puntlandes) Deegaanka Dudun ayaa shalay oo ay taarikkhdu ahayd 27ka dec 2016ka, waxay dawlada Puntland ka dhagax dhigtay Mashrruc ka kooban Ceel Biyood, MCH iyo Saldhig Booliis.

Tani waxay noqonaysaa Mashruucii ugu balaarnaa oo abid taariikhda intay jirtay laga fuliyo Dudun, iyadoo aan horay u arag wax qabad dawladeed.

Magaalada Dudun ayaa waxay ku taalaa Xudduuda ay Soomaaliya la wadaagto dalka Itoobiya (Puntland/DDSI) iyadoo aan labada dhanba waligeed waxqabad ka helin. Dudun Xaafadda Tuulo Xanan ayaa waxay ku taalaa dhanka Xuduuda Soomaaliya waana meesha laga hirgalinayo Mashaariicdan.

9

Gudoomiyiha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa Dhagax dhigay Mashaariicdan Taariikhiga ah, isagoona halkaas kasoo taagay Calanka Jamhuuriradda Federaalka Soomaaliya iyo kan Puntland ba.

Munaasabadda lagu dhax dhigay Mashaariicdan oo ka dhacday Dudun gaar ahaan Xaafadda Tuulo Xanan ayaa waxaa ka qayb galay maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax , Odoyaal, Waxgarad iyo marti sharaf kale oo badan oo lagu soo casuumay.

Dadwaynaha Dudun oo ka duulaya halhayskii madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee ahaa ”Puntland ha isku Tashato” ayaa waxay bilabeen  oo iminka qabyo ah dhismaha Dugsiga Waxbarashada ee Dudun gaar ahaan Xaafadda Tuulo Xanan, wuxuuna noqonayaa Dugsigii ugu horeeyey ee ay Dudun yeelato.

Ceel Biyoodka, MCH-ka iyo Saldhig Booliiska Dudun laga dhagax dhigay ayaa ah Horomar ay dadka Deegaanku aad usoo dhaweeyeen, uguna Riyaaqeen.

Qaar ka mid ah waxgaradka Deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ugu horayn u mahadceliyeey dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u taagan ka shaqaynta Horumarinta Bulshada Puntland iyo dhamaan dadkii kasoo qayb qaatay inay Dudun hesho Mashaariicdan wax ku ool ka ah.

Waxay kaloo intaas ku dareen in Ceel Biyoodka, MCH-ka iyo Saldhig Booliiska ay ka dabooli doonaan baahiyo waawayn oo ay Dudun u qabtay, waxaana hoos yimaada Dudun Qaybta Soomaaliya Deegaan aad u balaaran.

Ugu dambayna waxay mahadcelin kadib u duceeyeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif oo dadaal wayn geliyey sidii ay dadka Dudun ku heli lahaayeen Ceel Biyoodka, MCH-ka iyo Saldhig Booliiska si ay ula jaanqaadan Horumarka ka socda guud ahaan Puntland, isagoo Gudoomiye Abgaalow ka duulaya Balanqaadkii madaxweyne Gaas ee ahaa inay dawlada Puntland ka daadagto Laamiga oogaarto meelaha Fog-fog ee aan helin Adeeg dawladeed.

Guud ahaan Gobolka Mudug waxaa laga dareemayaa oo ka muuqda waxqabadka Gudoomiye Abgaaloow, waxa uuna Mashruucani ka mid yahay waxqabadkaas.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

9
Puntlandes.com

About The Author