Dawlada Mareykanka oo sheegtay in Somalida dhalashada Mareykanka haysata la Ciqaabi doono Cidii lug ku yeelata MusuqMaasuqa Doorashada

28 dec 2016 (Puntlandes) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hirgeliyo dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

Hoos ka akhriso qoraalka

233-4b7

Beesha Caalamaka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa waxay shalay soo saaray qoraal ay ku muujinayaan siday uga horjeedaan go’aankii Madasha Hogaamoiyayaasha Qaran oo Aqalka Sare ku daray 18 kursi oo sharci daro ah fasaxayna Kuraas badan oo la Musuqmaasuqay.

Puntlandes

About The Author