Akhriso Go’aano hordhac ah oo kasoo baxay Shirkii Dudun ee Ethiopia & Puntland

29 dec 2016 (Puntlandes) Waxaa manta ka dhacay Dudun gaar ahaan Xaafadda Tuulo Xanan Shir ballaaran oo ay kasoo qayb galeen Saraakiil Iyo wufuud ka kala socota labada Dawladood Ee  Puntland Iyo Ethiopia, ujeedka shirkaas ayaa ahaa in looga wada hadlo Dhacdadii Shalay ka dhacday Tuuladaas sidoo kale loo caddeeyo Qariiradda Rasmigaa Ee Dudun.

9

Shirkaas Dudun ka socday ayaa soo gaba gaboobay goor dhawayd, waxaana Puntland iyo Ethiopia ku Heshiiyeen sadex qodob, oo kala ah:

  • In xabadda la joojiyo
  • In wafdi balaaran oo kawada hadla arinta xuduudda labada dhinacba keenaan
  • In qolo walba meesha ay hada joogto aysan soo dhaafin, nabad galyadana la adkeeyo

Labadan dhanba waxaa ka muuqatay rabitaan wayn oo ah in Nabadda laga wada shaqeeyo sida ay ogaatay warbaahinta Puntlandes

Puntlandes

About The Author