Hay’adaha iyo wasaaradaha Puntland oo ku howlan soo bandhigidda waxqabadkoodii.

December 31 2016 (Puntlandes)-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland iyo guud ahaan deegaamada Puntland ayaa siweyn looga dareemayaa diyaar garow ay wadaan wasaaradaha kala duwan ee Puntland iyo hay’adaha dowliga ah.

Dedaladaan ayaa salka kuhaya sidii ay usoo bandhigi lahaayeen waxqabadkoodii sanad laha ahaa ee January 2016 ilaa December 2016, xilli lafilayo in dhowaan madaxweyne Gaas uu wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda kadhegeysto wixii u qabsoomay.

Waxaa shacabku si aad ah u hadal hayaan isbedel lagu sameeyo xukuumadda hadda jidha iyadoona qaar kamid ah wasaaradaha sida wasaaradda warfaafinta wasiiro loo magacaabi doono kadib markii uu xilka ka degey wasiirkii hore.

About The Author