Baarlamaanka Soomaaliya oo ka shiraya magacaabida gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka

31 dec 2016 (Puntlandes) Xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, waxayna noqonayaan baarlamaankii 10-aad oo shir ku yeesha xarunta golaha shacabka.

233-4b2

Sida uu sheegay guddoomiyaha KMG ee xildhibaanada golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore, waxaa kulanka maanta diirada lagu saari doonaa dhismaha gudiga doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Cismaan Cilmi, wuxuu sheegay in kulanka maanta uu yahay midkii labaad oo xildhibaanada ay iskugu yimaadaan, maadaama kulankii koowaad uu dhacay maalintii dhaarinta xildhibaanada.

Xubnaha gudiga doorashooyinka ee guddoonka baarlamaanka ayaa kasoo shaqeyn doona shaacinta waqtiga rasmiga ee ay dhaceyso doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Amaanka xarunta golaha shacabka iyo hareeraha xarunta ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka lagu daadiyay ciidamo xaqiijiya amaanka dhismaha baarlamaanka.

Puntlandes.com

About The Author