Ciidanka ammaanka Puntland oo qabtay dad faafinayey cudur dilaa ah.

Ciidanka ammaanka dowladda Puntland ayaa gacanta kudhigay labo ruux oo lasheegay inay faafinayeen cudurka dilaaga ah ee HIV AIDS.

Labadaan ruux oo ahaa haweeney iyo nin ayaa lasheegay inay doonayeen sidii ay xanuunkaasi ugu fidin lahaayeen shacabka Puntland gaar ahaan caasimadda iyagoo adeegsanaya wadooyin kala duwan.

Agaasimaha hay’ada PAC Dr. Cabdiraxman Siciid Dhaga-weyne ayaa  sheegay qof kamid ah dadka la hayo oo dumar ah inay cudurkaan ugudbisay saddex ah rag ah oo ay guur la wadaagtay, wuxuuna sheegay inay haatan socdaan baaritaan lagu ogaanayo sababta ay cudurkaan ufaafinayaan.

About The Author