Qaraxyo ka dhacay agagaarka Garoonka Muqdisho & Sanatar Shukri Aadan Maxamed oo ku dhaawacantay

2 jan 2017 (Puntlandes) Qaraxyo waaweyn oo laga wada maqlayey Magaalada Muqdisho ayaa goor dhawayd ka dhacay meel u dhow ganjeelka laga galo GaroonkaMagaalada Muqdisho  oo xarun u ah Beesha Caalamka iyo AMISOM maadaama ay Xerada Xalane ku dhextaal.

Wararka ay ka heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in laba Gaari oo waxyaalaha qarxa laga soo Buuxiyey mid ka mid ah lagu qarxiyey isbaaro laga soo galo Garoonka, dhanka madiina gate, iyadoo isbaaradaa lagu dhuftay, kii labaadna uu soo dhaafay wuxuuna ku qarxay meel u dhow Madiina Gate iyo Hotel Peace.

Warbaa hitta Puntlandes ayaa ogaatay in ay Sanatar Shukri Aadan Maxamed oo kasoo jeeda Puntland Gobolka Mudug ay ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay meel aan ka fogayn Hoteel Peace, Sanatarada ayaa xiligaas ku jirtay hotel Peace waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaal dicfeer.

Sanatar Shukri Aadan ayaa kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud, waxayna sheegayaa nu wararka ay heshay Warbaahinta Puntlandes in dhaawacantay Sanatarada uu yahay mid fudud.

Faahfaahin gadaal ayaan ka soo sheegaynaa

qarax-uuraqaraxa

Puntlandes.com

About The Author