Baarlamaanka JFS oo Shaaciyay Wakhtiga ay Dhacayso Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

2 jan 2017 (Puntlandes) Baarlamaanka JF Soomaaliya ayaa maanta shir ay yeesheen soo saaray wakhtiga ay dhacayso Doorashada Gudoomiyaha Golaha shacabka soomaaliya iyo Kuxigeenadiisa, waxaana sidoo kale Gudiga Doorashadaas qaban qaabinaya loo sameeyay Gudoomiye, Gudoomiye Kuixgeen iyo Xog’haye.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada ayaa laga dhisagay Xildhibaan Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo horay usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibada, waxaana sidoo kale Gudoomiye kuxigeen ah XildhibaanSacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, iyo  Xoghayaha Gudiga oo ah Xildhibaan Aadan isaaq Cali.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa loo qorsheeyay inay dhacdo 11 Bishaan Janaayo 2017, waxaana sidoo kale 12 Bishaan la doornayaa Kuxigeenada Gudoomiyaha.

3 ilaa 5 Bisha ayaa loo qorsheeyay in la isdiiwana galiyo, waxaana 8 ilaa 9 Bisha ay noqonaysaa marka ay Musharaxiintu jeedin doonaan Khudbadahooda hadii rabi idmo.

233-5a9

Puntlandes.com

About The Author