Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wefti uu hogaaminayo oo magaalada Boosaaso si diiran loogu soo dhoweeyey

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey oo hawlo shaqo ugu maqnaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta 03 January 2017 sidiiran loogu soo dhoweeyey magaalada Bosaaso ee xarunta gobolaka Bari.

Soo dhoweynta madaxweynaha iyo weftigisa ayaa waxaa xarunta ganacsiga puntland ee boosaaso ku soo dhoweeyey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland iyo saraakiil ka mida madaxtooyada Dawladda puntland.

Ugu horayn madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii kala duwanaa ee u qabsoomay isaga iyo weftigiisa  intii ay ku sugnaayeen Caasimada Soomaaliya, isla markaana sigaara waxa uu uga hadlay guusha weyn ay ka gareen hogaanka madasha qaranka Soomaaliyeed dhamaystirka Doorashada Soomaaliya isagoona sheegay in ififaale wanaagsan uu ka muuqdey wada shaqaynta wanaagsan ee baarlamaanka Soomaaliya.

‘’waxaan mudo laba isbuuca ku sugnayn aniga iyo wefti aan hogaaminayey magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya waxaanuna ka qayb galay shirkii madasha wada tashiga Soomaliyeed, runtii waxay hogaanka madasha Soomaliyeed guulo weyn ka gareen sidii ay u dhamaystiri lahayeen doorashada soomaliya saad lawada socotaana baarlamaankii Soomaaliya wax uu gudanayo waa jibad kiisii shaqo, waxaan rajaynayna inuu isbedel dhaba oo Soomaali oo dhami ku aflaxdo uu yimaado’’ayuu yiri madaxweynaha Dawladda puntland

sidoo kale madaxweynaha ayaa u tacsiyey ehelkii qarabadii iyo qarankii ay ka baxeen sarakiishii iyo maamulihii madaxtooyada Boosaaso oo dhowaan ay dil u geesteen sharawadayaasha wakhrigoodu gabaabsiga yahay ee al-shabaab isa goona illahay uga baryey inuu u naxariista denbigoodana dhaafo samar iyo imaana ka siiyo shacabka reer Puntland iyo eheladii ay ka baxeen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hanbalyo u diray ciidamada Dawladda Puntland guud ahaantood isagoona ku amaanay inay markasta u heelan yihiin sugida amniga iyo iska difaacida cadawyada ku soo duula dalkooda, isla markaana waxa uu si gaar ah u xisay ugana hanbalyeeyey guushii ay ka gareen lawareegida degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ugu danabayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay uga baryey inuu abaarta ka dulqaado ummadiisa uguna bedelo raxmadiisa, waxaana uu madaxweynu sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay marwalba la garab taagan yihiin sidii ay gargaar degdega ula gaari lahayeen dadka abaaruhu sameyeen ee reer Puntland.

img_1174 img_1176 img_1177 img_1179 img_1182 img_1184 img_1194 img_1196 img_1199 img_1207 img_1209 img_1212 img_1213 img_1215 img_1217 img_1218 img_1219 img_1221 img_1222 img_1224 img_1226 img_1228 img_1230 img_1233 img_1237 img_1241 img_1248 img_1251 img_1264 img_1266 img_1270 img_1277 img_1284 img_1288 img_1293 img_1295 img_1296 img_1298 img_1299 img_1301 img_1303 img_1305 img_1306 img_1310 img_1316

Puntlandes.com

About The Author