Qabyo ninkeedaa dhamaystira, ee aan Qaranka boobo (Musharaxnimada Xasan Sheekh)

233-5b4

1.    Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxaa lagu dhaariyey Kitaabka quraanka ah 10 Sept 2012, wuxuuna balan qaaday inuu ka dhabayn doono dhaarta uu ka hor akhriyey malaayiin Soomaaliyeed oo ka dhursugaysay isbadalka uu balan qaaday, wuxuuna ku saleeyey wax qabadkii lix tiir oo ay aad u fududayd in waraaq laga akhriyo, lakiin in la fuliyo ay u baahnayd, aqoon, khibrad siyaasadeed, Alle ka cabsi, dal jacayl iyo howl karnimo, wuxuuna soo bandhigay lix tiir oo uu ku saleeyey wax qabadkiisa,  afar sano kadib madaxweynuhu ma noosheegi karaa mid ka mid ah qodobadaas oo uu dhamaystiray?

Afar Sano ka hor oo Madaxweyne Xasan Sheekh xilka qabtay, dalka waxaa qabyo ka ahaa arimaha soo socda.

 

1.    Sugidda amniga; waxaa jiray afar sano kahor yididiilo laga qabay in laga saaro dalka oo dhan kooxaha argagaxisada ah, waxay ku jireen kala carar iyo guur guuritaan, afar sano kadib waxay awood u yeesheen iney weeraro ku ekaayaan meel kasta oo ciidanku joogo, waxay la wareegeen Saanad Milatari oo isugu jira Gadiid, Hub iyo Dirays Ciidan, wali magaalda Muqdisho ayaa qaraxyada iyo dilalka marti u ah, waxaa kala daatay Ciidamadii oo qabiil qabiil u howl gala, waxaa meesha ka baxay xuquuqdii Ciidamadu heli jireen, taas waxaa daliil u ah in askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyada uu 31dii Diiseembar ee bishii ina dhaaftay uu ku dillo gudaha Madaxtooyada Taliye ku xigeenkii Ciidanka Madaxtooyada uuna baxsaday askarigii dilkaas geystay. Dilkaas oo sababtiisu ahayd markii uu waayey askarigaasi mushaharkiisii.

2.     Kobcinta dhaqaalaha: afar sano ka hor dadka Soomaaliyeed waxaa ka muuqatay rajo ay ku heli karaan maalgashi dibadda iyo gudaha ka yimaada, waxaana taas sabab u noqon kara in la helo nabad, nidaam dowladeed oo si habsami ah u shaqaynaya iyo shuruuc kala hagaysa nidaamka maalgashiga.

3.     Dhammeystirka Dastuurka oo uu balan qaaday inuu diyaarinayo jawi saamaxaya afti dadweyne, taas oo afar sano kadib guuldaro ku dhaamtay.

4.    Gaarsiinta wadanka oo dhan hanaanka Doorashada ee hal qof iyo hal cod taas waxay noqotay riyo, wuxuu madaxweynuhu hortagay baarlamaanka, wuxuu si cad u sheegay in hal qof iyo hal cod aysan suurta gal ahayn, dibna waxaa loogu noqoday nidaam wax yar ka duwan kii oday dhaqameedku ay soo qorayeen xildhibaanada.

 

5.    Hirgelinta Federaalismka oo dalka la rabay in si nabad ah loga hirgaliyo ayaa abuuray colaado iyo dagaalo sokeeyo oo mararka qaar dadka soomaaliyeed xasuusinayey 1991, waxaa meesha ka baxay doorkii dib u heshiisinta ee madaxweyne qaran u istaagi lahaa, taas badalkeedana waxaa uu ku mashquulay hurinta colaado iyo iska horkeenka bulshada.

Maxaa ka qabyo ah madaxweynaha?

1.    Hantida qaranka ayaa waxaa ku socda boob aan la qiyaasi karin, waxaa isku koobay madaxweynaha, qoyskiisa iyo kooxdiisa Damul Jadiid, dhaci u danbeeyey wuxuu ahaa dhulkii Tarabuunka oo waagii hore lagu sameeyn jiray isu soo baxyada roob doonta, mudahaardyada nabada ku salaysan, isu soo baxyada Qaran iyo goob ahayd in madaxda qaranku kala hadli jirtey shacabka.

2.    Caddaalad darada dalka ka jirta ayaa maraysa heerkii ugu sareeyey, maxkamadaha ayaa iyagu qofkii lacag wata kaliya u shaqeeya iyago oo dulmiya dhibanayaasha, waxaa xabsiyada ku jira kuwo aan loo haysan danbiyo halka danbiilayaashu ay si xor ah u dhex socdaan magaalada.

3.    Maamul xumo baahsan ayaa dalka ka jirta, wasaaradaha dowlada ayaa si habsami ah u shaqayn, ma jiro isku xirnaan ka dhaxaysa maamulada dalka ka jira iyo wasaaradaha dowladda,

About The Author