XOG XASAASIYA Wiilasha Cabdiraxmaan Faroole oo Aabahood ku dacweeyay Australia

8 jan 2017 (Puntlandes) Waxaa loo gudbiyay Dowlada Australia dacwad ka dhan ah Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole) ka dib markii ay ku dacweeyeen qaar ka mid ah wiilasha uu dhalay inuu xabsiga Garoowe kasoo daayay Cumar Cabdiraxmaan Maxamed oo horey u dilay Hooyaddii.

72d

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandes inuu hor-boodayo Dacwada kasoo horjeeda Madaxweynihii horre Puntland wiilkiisa curadka Maxamed Cabdiraxmaan (Faroole) oo wararku ay sheegayaan inuu dab aan yareyn ka dhex shidayo qoyska Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole) oo ku nool magaalada Melbourne ee dalka Australia, Wuxuuna Maxamed Shirar aan kala kac lahayn kula jiraa Gabdhaha iyo Wiilasha uu dhalay Cabdiraxmaan Faroole , Kuwaas oo ay ugu culus tahay arrimaha uu kala hadlayo siday Aabahood ugu dacweyn lahaayeen talaabadii uu xabsiga uga soo sii daayay wiilkiisa Cumar Cabdiraxmaan.

 

Arrintan ayaa ah mid yaab iyo af kala qaad hor leh ku beereysa dhagaha Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, Madaama aan taariikhda lagu maqlin, Islamarkaana lagu arkin dhacdooyin la mid ah khilaafka ka dhex jira Odeyga Cabdiraxmaan Faroole iyo Wiilasha uu dhalay oo horey shacabka reer Puntland intooda badan u aqoonsadeen inay yihiin kuwo Anshax xumo iyo Xishood la,aan ku caan baxay.

 

Kasoo Deynta Xabsiga Garoowe Cumar Cabdiraxmaan.

 

Ka dib markii uu ku xirnaa muddo ku dhow 2 sano Xabsiga weyn ee ku yaala magaalada Garoowe Cumar Cabdiraxmaan oo horey ugu dilay Hooyadii Aamino Abiib xaafada uu Garoowe ka degan yahay Cabdiraxmaan Faroole ayaa bilo ka hor xabsiga laga soo sii daayay, wuxuuna hada la degan yahay Hoyga Aabihiis Cabdiraxmaan Faroole oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Dad xogogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Puntlandes ka dib markii Cabdiraxmaan Faroole uu Xabsiga kasoo daayay wiilkiisa Cumar inuu u gudbiyay Dowlada Australia qoraal ama Documenti lagu cadeynayo shilka wiilkiisu ku dilay Hooyadii in lagu mariyay ciqaabtiisa   goobta falku ka dhacay taasoo loo cuskaday inay ahayd meel sharci iyo dowlad ka jirto goobta shilkaasi ka dhacay.

 

Talaabadii uu Cabdiraxmaan Faroole Documentiga ugu gudbiyay Dowlada Australia waxay ka difaacday qeyb ka mid ah isku dayga ay ilaa hada ku doonayaan caruurtiisa oo uu ka mid yahay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole  inay ku Dacweeyaan Aabahood dhalay Dowlada Australia Ka dib markii ay ku dhaqaaqeen Rag uu hogaaminayo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole inay looyar u qabsadaan dacweynta Aabahood.

 

Maxamed Cabdiraxmaan ayaa wararku sheegayaan inuu dhawaan Garowe u tagay labo qorshe oo lidi ku ah Aabihiis kuwaas oo kala ahaa sidii uu ugu isticmaali lahaa dacwada

Aaabihiis qaar ka mid ah wiilasha uu dhalay Cabdiraxmaan Faroole iyo Qorshaha labaad oo salka ku haya sidii loo dhaxli lahaa xoolaha iyo hantida Cabdiraxmaan Faroole oo nool.

 

Inkastoo weli Puntlandes u socdo baaritaan hadana waxaanu  usoo daabacnay warbixintaan hordhaca ah sidaanu dadweynaha ula wadaagi lahayn xogtaan oo haddii alle yiraahdo aanu ku rajo weynahay marka uu soo dhamaado baaritaankayagu inaanu bulshada ula wadaagno mar kale si dhamaystiran .

 

 

Sharmaake Xaaji Warsame

Puntlandes.com

About The Author