Mooshinkii xilka ka qaadista madaxweynaha Galmudug Cabdikariim oo meel gabogabo ah maraya

8 jan 2017 (Puntlandes) Waxaa sii xoogaysanayaa xildhibaanda Mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ilaa iyo hadana waxaa saxiixday moshinka xil ka xayuubinta Cabdikariim xildhibaano kor u dhaafaya 47 xildhibaan.

175e

Mooshinka ayaa waxaa dabada ka riixaya siyaasiiyiin caan ah oo ka soo jeeda Galmudug, kuwaas oo wacad ku maray in ay ka saarayaan Cabdikariim meesha kadib markii uu ku fashilmay danaha dadka Galmaudug, sidaas si lamid ahna uu dalka ka abuuray Colaado dariska ah iyo kuwa dadka wada dhistay Galamudug.

Maamulka Cabdikariim ayaa waxaa culys wayn ku noqday isagoo fadhiid noqday kasoo bixi waayey Shaqadii loo igmaday. Maamulka Cadaado intii la dhisay ayaan bulshada colaad iyo is nacayb mooyee aan waxba u soo kordhin.

Maamulka Cadaado ayaa dhamaan waxay xarun ka dhigteen Muqdisho, iyagoo u yimaada cadaado marka ay jiraan dano siyaasadeed, Xildhibaan hore Ganacsade Ducaale Geele Xaaf ayaa ku dhaartay in Cabdikariim uu meel ka saarayo shacabka Galmudug, isagoo dhaqaale xad dhaaf ah ku bixinaya xildhibanada maamulka Galmudug oo jooga Muqdisho, isagoo ku daabulaya diyaarado, kana dajiyey Cadaado.

Waxaa Ganacsade Xaaf arinkan kula jira siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda Galmdug, oo Cabdikariim dagaal siyaasadeed kula galay cadaado xiligii doorashadu socotay, waxaana soo badanaya nacaybka loo qabo Cabdikariim iyo maamulkiisa oo Galmudug ku riday god dheer.

Puntlandes.com

About The Author