Sawirro: Wasiirka Deegaanka Puntland oo Xariga ka jaray Dhismihii ugu horeeyey oo ay Wasaaraddu ku yeelato Bosaso

8 jan 2017 (Puntlandes) Waxaa ka dhacday Bosaso Munaasabadan si wan loo soo agaasimay oo xariga lagaga jarayey dhisme cusub oo ay Wasaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland ay ku yeelan doonto magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, waxaana maal galiyey Bankiga Aduunka iyadoona ay hirgalisaya shirkada IPECO oo ka hawl gasha deeganada Puntland.

Munaasabadan ayaa waxa ka qab galay xubno ka tirasan golaha xukuumad Puntland, Maamulka gobalka Bari, kan Degmada Boosaso, Haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Dr Cali Cabdullaahi Warsame oo furitaanki munaasibadda ka hadlay ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey ka qeyb-galayaashii Munaasabada, waxaana uu hirgelinta dhismahan cusub ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wakhti badan uu ku bixiyey sidii loo hirgelin lahaa .

Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdulaahi Warsame ayaa yiri “Xafiiskii ugu horeyey oo ay wasaradda Deegaanka Puntland ay ku yeelato magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari, waxa uu soo maray dhismahan marxalado kala duwan maantana halkaas buu jooga waa wax ale lagu mahdiyo.

Wasiirka ayaa isagoo hadalka sii wata tiri “Markii aan xafiiska Wasaradda Deegaanka Puntland aan qabtay waxaan go’aansaday in magaalada Boosaso aan ka hirgaliyo Xafiis ay wasaraddu leedahay taasina waxa ay keentay in mashruucii ugu horeyey ee Wasaradda la siiyo aan ka hirgalino Boosaso”

Ugu dambayntii Wasiirka oo caddeeyey in magaalooyin kalena laga hirgelinayo dhismayaal ayaa yiri “Waa guul aan gaarnay mudadii aan xafiiska joognay dhul badan oo magaalooyin ahna oo an xafiis lahayn iyadana way noo qorshaysan yihiin insha alah”

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari, Axmed Cali Cabdilaahi Ciro oo dhankiisa munasabada ka hadlay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dhismahan cusub ay Wasaraddu ka hirgaliso magaalada Bosaso ee xarunta gobalak Bari .

Wasiirka Wasaradda Duulista iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Xasan Cade ku xigeenka  wasaarad kaluumaysiga Puntland Maxamuud Maxamed Cali ayaa dhankooda bogaadiyey dhsimahan qabka casiriga ah loo sameyey oo ay wasaraddu ku yeelatay Gobalka Bari, waxayna wasarad ku til maameen mid ku daysho mudan .

8

14

6

7

10

11

3

1

 

16

18

17

11

24

 

Puntlandes.com

About The Author