Baarlamaanka Galmudug oo xilkii ka qaaday C/kariim

10 jan 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug Ayaa xilkii ka qaadeen Madaxweyna Galmudug C / kariin Xuseen Guuleed oo ku Sugan Magaalada Muqdisho.

175e

Kulan ay soo xaadireen 54- Xildhibaan oo dhamaantood kamid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay C / kariin ayaaa u codeeyey i xilka laga qaado Madaxweynaha Galmudug.

Shalay Ayaa Xildhibaanada Galmudug waxa ay Guuleed ka gudbiyeen Mooshin ka dhan iyaga oo ku eedeeyay shaqo gudasho la’aan.

Dhanka kale wali Madaxweyne C / kariim kama hadlin XIL ka qaadistan ay ku sameeyeen Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

Puntlandes.com

About The Author