Warbixin+Sawirro:-Hishiis is- afgarad wada shaqayn oo dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada puntland iyo Maamulka Degmada Hoose ee Gorowe Qaybteeda Waxbarashada Barnamijka JBLG.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo Dowlada Hoose ee Degmada Garowe ayaa maanta oo Taariikhdu ahyd 15 janaayo 2017, heshiis is af-garad wada shaqeyneed kula saxiixday .
Hishiiskaan ayaa Waxaa ka goob joog ahaa Duqa Maglada Garowe, Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir Cismaan iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Garowe.
Hishiis kani waxa uu dhiiri galinyaa doorka hormarinta Waxbarashada asaasiga ah .
Dhanka Wasaaradda Waxabarshada hishiiska Waxaa u saxiixay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxabarshada iyo Tacliinta sare Maxamed C/qaadir cismaan, halka dhanka kale uu saxiixay qalinkana ku duugay Duqa Degmada Mudane Xasan Maxamed Ciise . (Xasan Goodir).

Hishiiskan Waxaa ku cad doorka ay kala qaadanayaan labada hay’adood heer dowlada dhaxe iyo heer Dowlada hoose.
Labada Masuul waxay xuseen in barnamijkan JBLG dhinaca Waxbarashada uu yahay mid tijaabo ah oo diirada lagu saarayo adeega waxbarshada asaasiga ah.
Dhamaana la wada gaarsiin doono gobolada oo dhan haduu hagaago mashruucan.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxay balan qaaday inay la shaqayn doonto Dowlada hoose ee Degmada Garowe, isla markaasna ay ka qaban doonto awooda shaqo fulin ee dowlada hoose garowe gaar ahaan waaxda Arimaha bulshada- Qaybteeda Waxbarsahada .

Dowlada hoose ee Garowe waxay balan qaaday in ay fulin doondo howlaha ku cad hishiiskan mudnaanta gaarka ahana siidoonto adeegyada Waxbarsahada asaasiga ah.

Sawirrada Hoos Ka Eeg

15976972_389061244760528_3256288917844705315_n 15977068_389061148093871_5342624518312368678_n 15977469_389061294760523_866439445909725414_n 15977886_389061204760532_2857297024311286522_n 16002831_389061604760492_2455330046519381967_n 16003121_389061121427207_879108628649779158_n 16105946_389061338093852_7414226116963145661_n 16105956_389061421427177_2145220110599845654_n 16105976_389061471427172_3184828743094467958_n 16114183_389061154760537_448901867066365649_n

About The Author