Waaxda imtixaanadka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntlland oo Tababar u Tagay Xafiiska maamulka imtixaamaadka Dalka Suudaan

15 jan 2017 (Puntlandes) Wafdiga Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayna Waheliyaan Agaasimaha Waxaada Imtixanaadka Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) iyo Saraakiisha Xafiiska Imtixamadka Dowlada Puntlandla waxay la kulmeen Gud. Imtixaamaadka Dalka Suudaan Dr. Mukhtar Maxamed, Waxaa laga wada hadlay.
1. Sidii shaqaalaha xafiiska imtixaamaadka Puntland lagu tababari lahaa xirfada iyo aqoonta loogu baahanyahay maamulka imtixaamaanka.
2. In ay kormeero qiimayneed ay ku yimaadaan xafiiska imtixaanaadka Puntland iyagoo u kuurgalaya tayada iyo habsami usocodka hawlaha imtixaanka Puntland.
3.In labada xafiis ay kawadashaqeeyaan sidii shahaadada Soomaaliya loogaarsiinlahaa Shahaadada Suudaan taas oo meesha ka saaraysa dhibcihii Wasaaradda tacliinta ee Suudaan ay ka goosan jireen Shahaadada Soomaaliya.
4. Ugu danbayn booqashadani waxay albaabka u furaysaa in labada xafiis la mataaneeyo.
Wax badan ayaanu ka faaiididoona qaabka imtixaanka suudaan u shaqeeyo ama loo maamulo.
Maamulka imtixaanka Suudaan wuxuu toos u hoos yimaadaa Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashir
Sawirrada Hoos ka daawo
15977470_389041538095832_35339350831336055_n 15977886_389061204760532_2857297024311286522_n 15978040_389040308095955_3865055289156520429_n 16002831_389061604760492_2455330046519381967_n 16105826_389040411429278_4083995571102258126_n 16105946_389061338093852_7414226116963145661_n 16105956_389061421427177_2145220110599845654_n 16105976_389061471427172_3184828743094467958_n 16106022_389040401429279_5970390643061868196_n 16113923_389041544762498_1749008980543381385_n 16114183_389061154760537_448901867066365649_n

About The Author