Sawirro: Kulamadii ugu xiisaha badnaa ee Horyaalka Puntland

16 jan 2017 (Puntlandes) Kulamadii ugu xiisaha badnaa ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kulamadaan oo qayb ka ahaa ciyaaraha Puntland, waxaana ka dhashay natiijooyin aan la filayn.

Ciyaarihii dhacay Axaddii ayaa ahaa kuwo xamaasad badan la dheehday, waxaana ka dhacay Ganaaxyo kala gadisan, iyada oo natiijooyinkii ka dhashay ay saamayn ku yeesheen kala horaynta Hoyaalka Puntland.

Comsed Vs Homboboro: waxaa ay ahayd ciyaar xamaasad badan, ayna ciyaar yahano badani calaamado Haruudi iyo Gaduud ah qaateen, waxaa garoonka laga saaray laba ciyaar yahan oo ka kala tirsan labada kooxood, oo qaatan Gadood qalalan, taas ay xiriirku kasoo saareen Ganaax siyaado ah.

Labadaan ciyaar yahan ayaa lagu ganaaxay kiiba laba kulan iyo $ 100.00, oo lacag ah, waxaana intaas raacday Digniin loo diray macalimiinta kooxaha, Comsed iyo Homboboro. Ciyaarta ayaa ku dhamaatay Bar baro, 1-1 ah.

Horseed Vs Garowe City: waxaa ay lamid ahayd ciyaartii Gaalkacyo, waa ciyaaraha lagu daynaaso kulamada Darbiga dariskaa, waxaa ay ahayd ciyaartii ugu xamaasadda Badnayn, sida ay taageerayaashu sheegayeen, kulamadii ka dhacay Garoowe.

Ciyaartaan oo aad uxamaasad badnayd ayaa kusoo dhamaatay 0-3, waxaana guushu raacday Kooxda Garoowe City, oo labadii kulan oo hore midkood laga badiyey, Ciyaarta waxaa Gaduud lasiiyey 3ciyaar yahay oo katirsan kooxda Horseed, iyada oo Ganaaxna lasaaray ciyaar yahanadaas.

Bari Fc Vs Qardho: Ciyaartaan ayaa waxaa ay kusoo dhamaatay Jawi dagan, waxaana ay labada kooxood ku kala bexeed Bar baro 0-0 ah, bar baradaan ayaa labada kooxoodba waxaa ay u lahaayeen Natiijo isku mid ah, mid kastaana waxaa uu tagayaaa 4 dhibcood.

Hoos ka akhri Jadwalka Isku kala horaynta kooxaha.

 

# Magaca kooxda Kulamada Goolasha Dhibcaha
1 SBC 2 2 4
2 Garoowe City 3 2 4
3 Homboboro Fc 2 1 4
4 Qardho Fc 3 0 4
5 Bosaso FC 2 0 3
6 Bari Fc 3 -1 3
7 Horseed 2 -1 3
8 Comsed 3 -1 2
9 Somtel 2 -2 1

 

DAAWO SAWIRRO.

IMG_0944 IMG_1207 IMG_1222 IMG_1223 IMG_1224 IMG_1313 IMG_5080 IMG_5086 IMG_5090 IMG_5093 IMG_5120 IMG_5126 IMG_5156 IMG_5167 IMG_5258 IMG_5347 IMG_5389 IMG_5391 IMG_5398 IMG_5399 IMG_5426 IMG_5434 IMG_5440 IMG_5446 IMG_5449

Puntlandes.com

About The Author