Akhriso Gudoonka Aqalka oo Doorashadiisu dhacayso 22 jan

16 jan 2017 (Puntlandes) Gudoonka KMG ee Aqalka ayaa maanta magacaabay Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee Baralamaanka Soomaaliya oo dhawaan ka dhaceysa doorashiida magaalada Muqdisho.

233-5b5

Guddiga loo magacaabay qaban qaabada Doorashada Gudoonka Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaqay in Doorashada Gudonka Aqalka sare la qabanyo 22-ka bishan.

Waxa ay Gudoomiye u doorteen Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoonka Senetor Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun), waxaa sidoo kale la magacaabay shan xubnood kale oo iyana kala shaqeenaya doorashada.

Halkan ka Aqriso Magacyada Guddiga Qaban qaabada Doorashada


1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun)

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen.

4. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

About The Author