Dhagayso:-Reer Guuraagii Bandar Bayla Kusoo Hayaamay Oo Biyo La,aan Ka Cabanaya

Qaar kamida dadkii reer guuraaga ahaa ee kasoo hayaamay deeganada farabadan ee dhawaan kusoo hayaamay degmada bandar bayle ee gobolka kar kaar ayaa waxaa ay sheegeen inay soo food saartay xaalad biyo la,aan ah madama ay gabaabsi yihiin biyihii.

Dadkaan ayaa waxaa ay sheegeen inay dhamaysteen biyihii lagu soo dhaweeyay isagoo xusey inay soo dhawayn kala kulmen dadkii ay kusoo hayaameen laguna soo dhaweeyey baraagihii biyuhu ku jireen ayna dhamaysteen kuwana hada ay sii dhamaanayaan.

Qaar kamida odayaasha deegaanka kusoo hayamay ayaa sheegey inay doonayaan gurmad lala soo gaaro madama aysan haysan dhamaan adeegyada aas aasigaa ayna kasoo hayaameen dhul fog oo abaar xuni ka jidho ayna inta badan dadka maatidaa ay kasoo tageen.

Hoos ka dhagayso

About The Author