Warbixin+Sawirro:-Kulan Dhexmatay Maamulka Gobolka Sanaag Iyo Xubno Kamida Wasaarada Ganacsiga Dowlada Puntland

Masuuliyiin kamida wasaarada ganacisga iyo warshadaha dowlada puntland oo kusgan gobolka sanaag ayaa waxaa ay kulan la qaateen gudoomiyaha gobolka sanaag maxamuud ismaaciil ciyoon waxaana kulankooda ku salaysanaa gaynta shahaadada ganacsiga puntland.

Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha dowlada Puntland mudane C/risaaq yuusuf shire iyo agaasimaha waaxda ganacsiga iyo dakhliga wasaarada Salaad aadam maxamuud ayaa waxaa ay sheegeen inay maamulka ku wareejiyeen shahaadooyinkii ay bixin lahaayeen inta xaruntii wasaarada la dhisayo.

Maxamuud ismaaciil ciyoon gudoomiyaha gobolka sanaag ayaa waxaa uu sheegey in ganacsatada gobolka sanag diyaar uyihiin inay is diiwaan galiyaan si ay uqaataan shahaadada ganacsiga Puntland waxaaana uu xusey inay hada wixii ka dambeeya bixinayan.

Agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha dowlada Puntland mudane C/risaaq yuusuf shire iyo agaasimaha waaxda ganacsiga iyo dakhliga wasaarada Salaad aadam maxamuud waxaa ay sheegen in dhawaan la bilaabayo dhismaha xarunta wasaarada ganacsiga iyo warshadaha dowlada Puntland ee gobolka Sanaag.

Sawirrada Hoos ka daawo

kulan-1 kulan-2 kulan-3

About The Author