Dhacadada Galdogob! Sheekh Ahmed Dheeli

Inkastoo ay ahayd dhacdo xanuun badan, magaaladana dhaawac xun ay soo gaarsiisay, muuqaal foolxuna ay ka bixisay, dadka deegaankuna isku si ay u saamaysay. Hadana dadka qaar ayaa si aan fiicnayn oo xaqiiqda ka fog ugu qaadaa dhigay dhacdadaan baraha bulshadu ku xariirto.

Waa sax inay dhaawac wayn ay gaarsiisay guud ahaan soomaali wayn gaar ahaan dadka deegaankaan kasoo jeeda laakiin maxay qabteen reer Galdogob, xageese wax marayaan:

1) dhamaan dadka deegaanku isku si ayey uga xumaadeen, ugana danqadeen, isku mowqifna way ka qaateen.

2) waxaa la qabtay dhagarqabayaashii dhibka gaystay oo ilaa hada gacan bir ah ku jira.

3) qoysaskii dhibku hoos usii khuseeyey waxay kuwada qanceen oo wada saxiixeen in dhagar qabayaasha cadaaladda la mariyo.

4) waxaa loo qabtay gudi xeer beegti ah oo ay ku jiraan waxgarad kala duwan oo arinta maamula.

5) waxaa socota maxkamad dhawaan soo afmeeri doonta xukunka, fadhiyo badana qaadatay.

6) Waxaa kor kala socda maamulka deegaanka ilaa heer wasaaradeed.

7) waxaa socda har iyo habeen shirar iyo wadatashiyo waxgaradku uga tashanayaan habkii loo fulin lahaa xukunka maxkamada socota, sidoo kalena aysan mar danbe aysan ugu soo noqon lahayn deegaanka.

About The Author