Dhagayso:- Xildhiban Cabdi Risaaq Siciid Aadan”Madaxweyne Gaas Waa Inuu Is Casilaa Maadama Uu Hogaanka Dalka Ku Fashilmay

Xildhiban  Cabdi Risaaq Siciid Aadan oo ka Mid ah Mudaayasha Laga Soo Dooortoo Gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegey in madaxweynaha dowlada Puntland kula talinayo madama uu ku fashilmay hogaanka dalka marka loo eego xaalka dalka ka jira.

Xildhiban  Cabdi Risaaq Siciid Aadan ayaa sheegey in dowlada Puntland ay dayacday xaalka dadka abaaruhu hayaan ee dowlada Puntland masuul ka tahay kuwii laga hayaamay ayaa uu sheegey in aan waxba loo qaban kuwa meelaha roobabka ka da,eena jooga aan waxba loo qaban.

Xildhiban  Cabdi Risaaq Siciid Aadan ayaa waxaa uu xubno kamida baarlamaanka ku eedeyay gaar ahaan gudiga fulinta inay dowlada ku milmen kana mid yihiin taasi oo keentay in baarlamaanka uusan la xisaabtamin loona yeerin  si loola xisaabtamo.

Hoos ka dhagayso Waraysi dheer

About The Author