Sawirro+Warbixin:-Waftiga Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo la kulmay Maamulka Machadka Garsoorayaasha ee Dalka Suudan

Wafdiga Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Dr Maxamed Cali Faarax ayna Waheliyaan Agaasimaha Waxaada Imtixanaadka Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) iyo Saraakiisha Xafiiska Imtixamadka Dowlada Puntlandland oo Maal mahanba ku sugnaa dalka Suudan waxay kulan gaar ah la yeeshay Machadka Garsoorayaasha Dalka Suudaan. Wafdiga Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland oo kulan la yeeshay Dr. Yahya F.Hakim oo ah Hurmuudka macadka Garsoorayaasha ahna xubin ka mid ah maxkamadda sare Dalka Suudaan. kulan kaani wuxuu ahaa kulan qiimo u leh Garsoorayaasha, Garyaqaanada iyo kalkaaliyaashada Maxkamada Puntland, Wafdiga oo wakiil u ah Wasaaradda Cadaaladda Puntland waxaa la isku afgartay:

  1. In Macadku diyaariyo tababaro ku haboon Garsoorayaasha, Garyaqaanada iyo Kalkaaliyaasha Puntland kaas oo lagu siinayo xirfad ku haboon shaqadooda.
  2. In wasaaradda Cadaaladda Puntland laga saacido xiriirka ururada ka shaqeeya Cadaaladda ee Dowladaha Carabta

3.In laga saacido sidii Wasaaradda Cadaaladda Puntland loogu dhisi lahaa Machadka Tababarka Garsoorayaasha Puntland.

 

sidoo kale wali waxaa socda tababarkii hawlwadeenada inmtixaanka Puntland oo ugu socday Xafiiska imtixaamaadka Suudaan

waftigaan ayaa soo dhawayn fiican ka helay madaxda Dalka suudan iyagoo ku mashaquulsan baahinta iyo tayada waxbarsahada puntland.

Hoos ka Daawo sawiradii

40-5-524x295 41-4-524x295 42-1-524x295 43-4-524x295 44-1-524x295 45-2-524x295 46-1-524x295 47-524x295 48-1-524x295 49-524x295 50-524x295 51-524x295 52-524x295 53-524x295 54-524x295 55-524x295

By:Deeq Maxamed Warsame.

Xooghaynta Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare

About The Author