Sawirro:-Bandhiga Buuga HILAACII LAGU HUNGOOBAY oo magaaladda Gaalkacyo ka dhacay

Hoolka kulamada ee Hotel Shaariqa, ayaa waxaa lagu qabtay bandhiga Buug looga hadlayey dhibaatooyinkii iyo himilooyinkii la waayey ee Tahriibka. Bandhiga buuga oo ay kasoo qayb galeen, bulshada waybaheeda kala gadisan gaar ahaan dhalinyarada iyo aqoon yahanka.
Buuga HILAACII LAGU HUNGOOBAY, ku aruursan oo ka buuxa dhacdooyin xanuun badan, qisooyin layaab leh, iyo xaqiiqooyinka laga aruuriyey safarada ay galaan tahriibayaasha Yurub aada, Dhamaan dhacdooyinka buuga ku qoran ayaa laga waraystay goob joogayaal iyo dhibanayaal ay iyaga Qabsatay.
Buugu wuxuu qeexayaa Dalalka Kuxeeran Yurub ee ay Tahriibayaashu sii maraan  iyo noloshooda, waxaa uu si fur furan uga hadlayaa Fikirka ay qabaan dhalinyaradu, waxaaana uu ka sheekaynayaa Falceliska danbe ee Dadkii Yurub tagay, sidoo kale waxaa uu cadaynayaa meesha ay ku danbaysay Himilooyinkii ay lahaayeen qaar ka mid ah Tahriibayaash oo beenoobay markii ay Yurub tageen.
Buuga waxaa Faah faahiyey Qoraaga, waxaana uu iftiimiyey waddooyinkii adakaa ee uu umaraya qormadiisa, Qisooyinka uu xanbaarsan yahay iyo ay ka kooban yihiin dhacdooyinka Buuga ka buuxa.
Kulankii lagusoo bandhigay buuga ayaa waxaa ka hadlay Qoraayaal kala gadisan, kuwaas oo dhamaantood ka war bixiyey buugaan iyo habqooraaleedkiisa, waxaana ay qoraaga ku amaaneey, sida hufan ee uu buuga u qoray, waxay sidoo kale ku amaaneey Mowduucaan oo ahaa mid xasaasi ah, wakhti badan iyo juhdi badana u baahnaa.
Dhaqatiir, Qoraayaal iyo Aqoon yahanno  ku kala gadisan heerka aqooneed, Da’ada iyo khibradda qoraanimo ayaa dhalinyarada ku tir tirsiiyey in ay noqdaan qoraayaal, waxaana ay kula taliyeen in la aruuriyo Dhacdooyinka iyo Taariikha wadanku leeyahay.
Najmo Farxaan Dhoobis oo kamid ah, Qoraayada Da’ada yar ee kasoo qayb galay bandhiga buuga, ayaa Qoraa Bashiir suuleey ku amaantay sida uu u faah faahiyey dhibaatooyinka, waxaana ay gudoon siisay SHAHAADO sharaf ay ugu talagashay, maadaama uu kasoo dhalaalay, doorkii laga wada sugayey Dhalinyarada uuna qayb weyn ka qaatay Bad baadinta dhalinyaro badan hanqaltaaga Yurub ku jiro.
Qurbajoog badan oo haatan wadanka ka ah Dhaqaatiir, Ganacsatto iyo Madax ayaa dhalinyarada ku tir tirsiiyey in haddii Yurub iyo dibaddba wax yaalaan, aan dadka haatan dalka kusoo laabanayaa soo laabateen, Tusaale ku filana ay iyagu yihiin.
Gabagabadii ayaa waxaa Dowladda iyo Dhalinyarab loosoo jeediyey talooyin lagu doonayo in dhalinyarada lagu bad baadsho, iyada oo dhalintana loo dar daarmay iimaansiga iyo ku noolaansha Dalkooda.
Daawo Sawirro.
IMG_5810 IMG_5826 IMG_5834 IMG_5836 IMG_5852 IMG_5865 IMG_5885 IMG_5898 IMG_5904 IMG_5905 IMG_5908 IMG_5917 IMG_5943 IMG_5968 IMG_5981 IMG_5983 IMG_6010 IMG_6021 IMG_6023 IMG_6040

About The Author