Dhagayso:-Maamulka Degmada Goldogob Oo Kahadlay Arimo Amaanka iyo Hormarka Ku Saabsan

Maamulka degmada goldogob ayaa waxaa uu ka digay baabuurta leh muraayadaha madow ee looyaqaan beesanlka waxaana sidoo kale gawaarida xawaaraha sare ku mara magaalada la sheegey in loo astayn doono baro ay ku rogaan waxa ay sidaan.

Xasan maxamed faarax( ayaxle) gudoomiyaha degmada ayaa waxaa uu shegey in gawaarida qaadka wada ay u samayn doonaan baro ay qaadka ku rogaan madaama dhibaato kasoo gaari kadho marka ay magaalada marayaan dadka shacabkaa.

Dhinaca kale maamulka ayaa waxaa uu ka digay dadka dhismayaasha ka samaysanaya barxada magaalada oo ceelaha loogu tala galay dhalinyaradana ay banooniga ku ciyaaraan in maamulku dhawaan bur burin doono dhamaan dhisamayaashaas.

Sidoo kale dadka xeryaha xoolaha ka dhista wadooyinka iyo dadka dhagaxaanta iyo dhoobatada dhigta ayaa maamlku ugu baaqay inay baneeyaan hadii kale uu mamulku la wareegi doono dhagaxaanta iyo dhoobatada waxaa sidoo kale uu maamulku codsaday in shacabku candhuurta bixiyo si loogu adeego.

Hoos ka dhagayso

About The Author