Dhagayso:-Dad Udhintay Xanuuno Abaarta kadhashay Gobolka Sool

Sheekh C/laahi Faarax ciise waa mid kamida odayaasha deegaanka God,aalo oo hoos tagta dagmada taleex ee gobolka sool wuxuu sheegey in abaaraha xanuuno ka dhashay ay dhinteen ilaa afar qof oo ay kujidho hooyo uur leh oo xanuunka udhimatay.

Waxaa uu sheegey in marka hore xanuunku ku bilaabanayo gandho, Qufax iyo shuban iyo matag waxaana jirin daawo ay ka heli karaan xarunta caafimaadka ee deegaanka dadkana waxaa ay u qaadaan magaalooyinka waa wayn sida laas caanood.

Sheekh C/laahi ayaa waxaa uu sheegey in wali gurmad uusan soo gaarin deegaanka uuna codsanayo in dadkaan o abaar xun ay hayso gurmad lala soo gaaro waxaana dadka biyiha ka cabaan ceelasha biyaha oo kharaar ah taasina sabab usii noqoto xanuunadan.

Hoos ka dhagayso

About The Author