Dhagayso:-Howlgalo Amaanka Lagu Xaqiijiyo Oo Degmada Goldogob Ka Socda Iyo Bandowgii Lagu Rogay Oo Dhaqan Galay

Ciidamada amaanka ee degmada Goldogob ayaa waxaa ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kadib markii dhawan taliska booliska degmada uu soo rogay bandow bilaabanayaa sagaalka habaynimo waxaana jira dad ciidamadu soo qab qabteen.

Ciidamada amaanka ayaa waxaa ay soo bandhigeen kooxo ay kusoo qab qabteen falal amaanka lidi ku ah ,kooxo seexan waa ah iyo laba gaari oo midna muraayadaha madow lahaa midna soo jaray dhirta qoyan oo dhawaan maamulku joojiyay jaristeeda.

Dhinaca kale Xasan maxamed Faarax  Gudoomiyaha degmada goldogob ee gobolka mudug ayaa sheegey in ciidamadu howl adag hayaan dadkana looga bahan yahay inay la shaqeeyaan madama uu dhaqan galay bandowgii lasoo rogay.

Hoos ka dhagayso

About The Author