Dhagayso:-Maamulka Gobolka Nugaal Oo Digniin Udirey Ganacato Wali Aan Daji Sicirka Sarifka Doolarka

Gudoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu sheegey inay soo gaartay cabasho ka imaanaysa qaar kamida shacabka kuwaasi oo ka dacwoonayaa sarifka suuqayada garowe oo aan wali lagayn halkii dowlada u jaan goysay.

“Ganacsatada Qaadka,Farsmashiyaasha,carwooyinka ,iyo qaar kamida kuwa lacagta sarifa ayaa ah kuwo ay kasoo dacwoodeen shacabaka oo ay sheegeen inaysan wali soo jabin sarifka lacagaha halkii ay dowlada u jaan goysay waxaana kooxahaas mudan doonaan cinqaab  ayuu yuri Qaasim maxamed Cabdi.

Gudoomiye Qaasin ayaa waxaa uu sheegey in dhawaan dowlada Puntland kulan boosaaso ka dhacay ku jaan goysasay sicirka sarifka lacagta doolarka oo aad u kacay waxaana jaan goyntaas ka dhaqan gashay gobolo badan oo Puntland ah.

Hoos ka dhagayso

About The Author