Dhagayso:- Madaxweyne Gaas” Majirto Gurmad Dhanka Abaaraha Oo Beesha Caalamka Iyo Dowlada Soomaaliya Midna Naga Soo Gaarey

Madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali oo ka hadlayay dadka meelaha kala duwan uga soo hayaamay Puntland ayaa waxaa uu sheegey in dadkaan ay iska soo guureen balse aysan wadan wax sahay ah ama ay soo raaciyeen maamuladii ay ka yimaadeen.

Madaxweyne gaas oo ka hadlayay kaalmo kasoo gaadha beesha caalamka ayaa waxaa uu shegey in gugii hore ay qaylo dhaan gaarsiiyeen abaartaan ah balse aysan jirin wax kasoo gaarey beesha caalamka isagoo xusey in aysan isku halayn karin.

Dhinaca kale madaxwaynaha dowlada Puntland C/wali maxamed cali ayaa waxaa uu sheegey in sidoo kale aysan waxna kasoo gaarin saddex malyan oo doolar taasi oo dowlada Soomaaliya shaacisay inay ugu deeqda gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegey in dadka soo hayaamay ay joogaan dhul soomaaliyeed Puntland na ay marti uyihiin ayna wax la qabayaan dadka reer Puntland ee kasoo hayaamay gobolada kala duwan ee Puntland.

Hoos ka dhagayso

About The Author