Magaxweyne Gaas oo ku hoyday caawa Bandar Bayla berrina ku wajahan Qardho

28 jan 2017 (Puntlandes) Wafdiga uu hogaaminyo madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa caawa waxay ku sugan yihiin degmada Bandar Bayla oo shalay ay gaareen, Caawana ay ku hoyanayaan.

233-8c4

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxay berri subax kasoo baxayaan Bandar Bayla iyagoo ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Ujeedka wafdiga Madaxweynahu hogaaminayo ayaa ah in Raashin iyo biyo la gaarsiiyo Dadka abaarahu ay saameeyeen.

Wafdiga madaxweyne Gaas ayaa waxay berri sii marayaan Deegaanada u dhaxeeya Banderbayla ilaa Magaalada Qardho.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa ku amaanay kuna bogaadiyey madaxweyne Gaas sida geesinimada leh ee uu uga warqabo shacabkiisa isagoo indhihiisa kusoo arka xaalada ay dadku ku nool yihiin iyo dhibaatada haysata.

72d

Madaxweynayaashii ka horeeyey madaxweyne Gaas oo uu ugu dambeeyey Dr Faroole ayaa waxaa caado u ahayd inaysan laamiga ka dagin, inkastoo ay Faroole usii dheerayd inuu ka baqo meel aan magaalada Garowe ahayn isagoo 5tii sano ee uu xukunka hayey labo mar uun tagay magaalada Muhiimka ah ee Gaalkacyo oo mid uu tagay Aaskii AUN madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf midna ay ahayd dilkii AUN wasiir Seefta Banaanka.

Halka uu Faroole Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso na tagay wax inta Gaalkacyo oo kale ah, waxaa intaas usii dheerayd Faroole waligiis ma Booqan Ciidan Puntland halka uu Gaas Booqday Ciidamada Difaaca Puntland ee dagaalka kula wareegay Galgala, Garcad iyo Qandala.

Puntlandes.com

About The Author