Musharax Xasan Sheekh Soomaaliya ma wuxuu hoos geeyey Ethiopia?

30 jan 2017 (Puntlandes) Xasan Sheekh oo wali isaga fadhiya kursiga Madaxweynaha JF Soomaaliya  ayaa saaka u safray dalka Ethiopia oo dadaal xoogan ugu jirta sidii ay mar kale ugu soo celin lahayd madaxweynaha JFS.

233-8a9

Musharaxa Ethiopia Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu sheegay safarkiisa saaka ee Ethiopia inuu magaalada kaga qeyb geli doono shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmaya Addis Ababa, laakiin Xasan wuxuu caadaystay bilihii u dambeeyey inuu Todobaadkii ugu yaraan mar iska xaadiriyo Addis Ababa si ay Ethiopia usoo siiso Tahliishii uu madaxweynaha JF Soomaaliya mar kale ku noqon lahaa.

Kulan Musharax Xasan Sheekh u Qabtay Xildhibaaanda Ethiopia taageera

Xildhibaanadda ka amar qaata dawlada Ethiopia aayuu xalay Xassan Sheekh u sameeyey Casho, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano Ethiopia keensatay ina shaqeeya oo kala ah Xidig, Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag, Faarax Cabdulqaadir iyo Cabdulaahi iyagoo Munaasabadaas ka sheegay wixii ay dawlada Ethiopia soo fartay oo ah waxaan u codaynayaa Musharaxa Ethiopia Xasan Sheekh.

Xidhibaan Fartaag oo ku Xadgudbay Xeerka Guddiga Doorasha

Xidhibaan Fartaag isagoo Fulinaya Amarkii dawlada Ethiopia waxa uu ku xadgudbay Xeerka Guddiga Doorasha madaxweynaha JFS oo uu xubin ka yahay kadib markii uu si cad u shheegay inuu taageersan yahay una Codaynayo Musharaxa Ethiopia Xasan Sheekh.

Daawo Xildhibaan Abdullahi Sheekh Ismail Fartaag oo ku xadgudbay xeerka Guddiga Doorashada

Soomaaliya waxay Xornimo qaadatay 1960kii waana dal Xor ah, Ethiopia na uma Dooran karto qofka Madaxweynaha ka noqonaya Dalkeena kamana yeelayno waxaana Xildhibaanada Sharafta leh laga doonayaa inay Waajib kooda Gutaan ayna mariyaan Musharaxa Ethioopia Xasan Sheekh wadadii ay mariyeen Saaxiibkiis Faarax cabiqaadir.
Puntlandes.com

About The Author