Warbixin+Sawirro:-Duqa degmada Gaalkacyo oo soo dhoweyn loogu sameeyay magaalada Gaalkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Maxamuud Yasiin Axmed Tumeey ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoona mudooyinkii danbe kumaqnaa dalka dibadiisa.

Duqa degmada Gaalkacyo waxaa Garoonka diyaaradaha ee cabdullahi Yuusuf Airport soodhoweyn balaaran ugu sameeyay Golaha deegaanka, Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Gaalkacyo Dalmar Maxamed Cali, gudoomiyaasha xaafadaha kala duwan ee magaalada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Duqa degmada Gaalkacyo ayaa mid mid ugacan qaaday dadweynihii fara badnaa ee kusoo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, intaas kadib waxaa loogudbiyay hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka deganyahay halkaas oo uu warbaahinta kula hadlay.

Ugu horeyn waxaa warbaahinta lahadlay kuxigeenkaduqa degmada Gaalkacyo Farxaan Cabdi gaafaa isagoona duqa degmada kusoo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo sidookale waxa uu ooga warbixiyay xaalada guud ee magalada ay kusugantahay.

Dhanka kale waxaa isna warbaahinta lahadlay duqa degmada Gaalkacyo mudane Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey isagoona ka warbixiyay safarkii uu ku’aaday dalka dibadiisa, waxa uu sheegay in uu kulamo badan laqaatay gudoomiyaasha degmooyinka dalka Sweden iyo Denmark isagoona sheegay in uu kala soo hadlay sidii magaalada Gaalakcyo loola mataaneyn lahaa magaalooyinka kale ee wadamada Denmark iyo Sweden.

Sidookale waxa uu sheegay in uu kala hadlay masuuliyiintaas sidii ay qeyb ooga noqon lahayeen hormarinta degmada Gaalkacyo iyo inay qeybweyn ka qaataan mashaariicyada kasocda magaalada Gaalakcyo.

DAAWO SAWIRRO

3 5 7 8 9 13 14 16 18 19 20 21 23 24

About The Author