Xeer ilaaliyaha Qaranka ”heshiiski isafgarad ujeedka labada dowladood waxay ahayd in Qalfoofbadeedkooda u gudbiyaan hey’adda UNka u qaabilsan badaha caalamka, waana laga gaaray dantii laga lahaa heshiiskas mana shaqeyneyno hada”

30 jan 2017 (Puntlandes) Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada bisha Fibraayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ay go’aan ka gaari doonto dacwadii dhanka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

233-8d6

Dr. Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda laga sugayo uu yahay oo kali ah in Maxkamadda ay awood u leedahay dhageysiga Dacwadan iyo inkale maadaama dowladda Kenya ay is- hor-istaag ku sameysay Dacwada Soomaaliya ay Maxkamaddu u gudbisay.

“Go’aanka labada bisha waxaa uu noqoneyaa oo kali ah in maxkamadda soo saarto in ay awood u leedahay dhageysiga dacwadan iyo in aysan awood u laheyd oo dib loogu soo celiyo arinta oo labada dowladood ay ka wada hadlaan,”  ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa sidoo kale, ka hadlay dooda dowladda Kenya oo aheyd in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee  labada dowladood kala saxiixdeen 2009kii uu tilmaamayo in muranka dhanka badda ah labada dhinac ay ka wada hadlaan oo aanan loo baahneyn in maxkamad la geeyo arinta.

Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in heshiiskii is-afgaradka ahaa u jeedadiisu aheyd in labada dowladood warbixinada la xiriira Qalfoof-badeedkooda u gudbiyaan hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha badaha caalamka, isla markaana laga gaaray dantii laga lahaa heshiiskaas uusana hadda shaqeyneynin.

Dr.Axmed Cali Daahir, xeer ilaaliyaha Qaranka, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya arinta muranka badda tiro ka sadex jeer ah ay ka wada hadleen oo heer Wasiir Arimo dibadeed isla markaana la isku fahmi waayay taasina ay keenya Soomaaliya ay dacwadda u gudbiyo maxkamadda Cadaalada Caalamka ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Ugu dambeyntii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in go’aanka labada Fibraayo ay soo saari doonto Maxkamadda uu noqon doono mid ka farxiya dadka Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya Maxkamadda horgeysay cadeymo biyo kama dhibcaan ah.

Waxaa xusid mudan iyadoo Soomaaliya ay iminka ku jirto xili ay Dooranayso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hogaamin doona 5ta sano ee soo socota in Kooxda DAMUL JADIID ee uu ka tirsan yahay Musharax Xasan Sheekh, Kooxda Aala Sheekh oo uu ka tirsan yahay Musharax Sheekh Shariif iyo dawlada Ethiopia oo si aan gabasho lahayn u taageeraysa Musharax Xasan Sheekh ay Siyaasadaynayaan Qadiyadda Badda Soomaaliyeed iyagoo is leh waxaad wax ugu dhimaysaan Musharax Cumar Cabdirashiid oo ka shaqeeyey inaan Taako ka mid ah Badda Soomaaliyeed la qaadan una Gudbiyey UNka xad baddeedkka Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha Q. oo sheegay in ay mudan tahay in lagu amano X. RW Cumar Saxiixa Heshiiskii MOU

Puntlandes.com

About The Author