Dhagayso:-Madaxweyne Xigeenka Puntland”Waxaa Lagaarey Xiligii Maraakiibta kusugan xeebaheena Ay Ku Noqon Lahaayeen Dalalkooda

C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay madaxweyne xigeenka dowlada Puntland ayaa mar uu ka hadlayay maraakiibta kusugan xeebaha Puntland ee samaynaya kaluumaysiga sharci daradaa waxaa uu sheegey in la gaarey xiligii maraakiibtaan ku laaban lahaayeen dalalkooda .

C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa xusey in maraakiibtaan u yimaadeen howlgalkii dhamaadey ee ladagaalanka burcad badeeda ayna wali baaqi ku yihiin xeebaha Puntland dhibaataana ku hayaan bada iyo dadkii ka shaqaysan jirey.

Waxaa kaloo uu xusey inay uga mahad celinayaan maraakiibtaan dalalkii soo dirsaday ayna guteen waajibaadkii ahaa inay ladagaalamaan bur cad badeeda hadana ay ka codsanayaan inay kulaabtaan dalalkodii madama shaqadii looso direy ay dhamaatay.

Hoos ka dhagayso

About The Author