Dhagayso:-Hay,ada MSF Oo Kashaqa Bilowday Qaybta Caruuraha Isbitaalka Guud Ee Gaalkacyo

Dhawaan magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa ka dhacay hishiis dhex maray madaxa ugu sareeya hay,ada MSF iyo wasiirka caafimaadka dowlada Puntland Mr Cuuke waxaana hishiiska aha sidi hay,adu markale uga shaqo bilaabi lahayd Puntland.

Hadana agaasimaha isbitaalka guud ee gobolka mudug Dr Maxamed xusen adan ayaa shaaciyay in lagu wareejiyay qaybta caruurta oo leh qaybo badan waxaana sidoo kale ay ka shaqayn doontaa qaybta talaalka oo wasaarada caafimaadku kala shaqayn doonto.

Dr Maxamed Xusen ayaa sheegey inay dhawaan la wareegeen qaybahaas ayna shacanka ugu adeegi doonaan dhankoodana ay kala shaqayn doonaan shaqada waxaa sidoo kale hay,adu wax ka qaban doontaa baahiya so kordha ee isbitaalka.

Hoos ka dhagayso

About The Author