Dhagayso:-Gaalkacyo Wasaarada Deegaanka Puntland Oo Kadigtay Deegaamaynta Khaldan Oo Xaaluf Ku Haya Deegaanka

Wasaarada deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta Puntland ayaa waxaa ay ka digtay deegaamaysiga sida qorsha la,aanta ah maal mahaan kusoo badanaya magaalada gaalkacyo kadib markii duleedyada Gaalkacyo laga sameeyay xeryo cayreedyo badan.

Isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ee dowladda Puntland u qaabilsan gobolka Mudug Siciid Maxamed Axmed, ayaa sheegey in dadka dhulalka banaan ku leh magaalada ay dajinayan dad xoolo doon ah iyo dad xoolihii kasoo dhamaadeen oo magaalooyinka kusoo xaroodey.

Siciid Maxamed Axmed, ayaa xusey inay digniin u dirayaan shaqsiyaadka dadkaas dhulka dajinaya madama ay dadka meeshaas daga ay jarayaan dhirta qoyan iyagoo ku dhisanaya buulal islamarkaasi xeryo cayreedyada ay kalifeen xirmaysi madama lakala jar jarey.

Hadalka Isu-duwaha wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ee dowladda Puntland u qaabilsan gobolka Mudug Siciid Maxamed Axmed ayaa kusoo aadamaya xili bananka Gaalkacyo ay jiraan dad magaalada hanti ku leh oo isku dhex dara dadka abaarta xolaha kasoo dhameysay kuwaasi oo dhisanaya xero cayreedyo.

Hoos kadhagayso

About The Author