XOG MAXAY TAHAY SABABTA UU MUSHARAX FAROOLE U TANAASULAY?

7 feb 2017 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS lisa markaasna musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Faroole oo ay wajigiisa ka muuqatay sida uu uga xun yahay waxa ka qabsaday Muqdisho oo ay kasoo wajahday Fashil Siyaasadeed oo la xiriira Ololihiisa Musharaxnimada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

download

Fashilkaas ayaa sababay inuu Faroole ku dhici kari waayay inuu ka dhawaajiyo ama sheego cida uu u tanaasulay, arintan ayaa kusoo aadaysa xili uu ku fashilmay ololihii uu ugu jiray Musharax Sheekh Shariif maadaama uu ku guulaysan waayey inuu u keeno oo ay taageeraan Xildhibaanada Beesha Daarood oo inta badan taageeray Musharax Cumar Cabdirashiid.

Musharax Dr Faroole oo isku haystay Siyaasi Miisaan aad u culus ku leh Siyaasadda Soomaaliya ayaa markii uu dhaafi waayey 4 Xildhibaan waxa u muuqday inuu Gacmaha ka laabto arinta intii aysan sii foolxumaan, waana taas sababta uu u Tanaasulay Faroole.

Xiriirka Senator Faroole & Xildhibaan Cali Yuusuf

5I2A8457

Senator Faroole oo wacan wayn ku lahaa inuu noqdo Xildhibaan Cali Yuusuf,Cali Xoosh, (Cali Gaab) Xildhibaan ayna kasoo wada jeedaan Beesha Ciise Maxamuud ee Majeerteen ayaa wuxuun ku biiiray ololaha Xasan Sheekh isagoo xiligii uu Senator Dr Faroole ka degay Muqdisho u dabo maray Nairobi si aan loogu arag looguna sawirin Xildhibaanada Ololaha ugu jira Mushartax Dr Faroole balse sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes maanta oo ku beegan Tanaasulkii Musharaxnimada Faroole ayuu Cali Xoosh Nairobi kasoo kicitimay uu Muqdisho soo gaaray hal maalin ka hor Doorasha Madaxweynmaha.

233-1c1

Xildhibaan Cali Xoosh waxaa Abti u ah Safiirka Soomaaliaya u fadhiya dalka Maraykanka Ahmed Ciise Cawad oo xusul duub wayn ugu jira inuu Xasan Sheekh ka helo Raysul wasaare haddii uu ku guulaysto mar labaad madaxwynaha Soomaaliya, arintan oo ku ah Dhabar jab iyo filan waa Musharaxa iminka Tanaasulay Dr Faroole.

maxamed-faroole1

Dr Faroole oo ah Oday Soomaaliyeed oo ah Ruug cadaa Siyaasadeed kana soo jeeda Puntland ayaa waxaa ku dambaysiiyey Fashilka wiilka Curadkiisa ah Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo uu si indho laáan ah isaga dabagalay.

Dr Faroolle ayaa waxaa soo wajahay culusy siyaasadeed iyo han jab intii ka dambaysay markii uu gaaray Muqdisho madaxweybnaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo si cad u taageeray Musharax Cumar Cabdirashiid.

Puntlandes.com

About The Author