Dhagayso:-Dhismaha Wadada Eyl & Dangoroyo Oo 80 KM Oo Kamida Ah La Dhameeyey

7 feb 2017 (Puntlandes) Gudi aqoonyahano ah oo isku taagay dhismaha wadada Eyl iyo Dangoroyo ayaa waxaa ay guul ka gaareen inay dhameeyaan 80 KM oo ka mida wadadaas iyagoona hada u diyaariyay  in wadadaas la saaro laami xili dhow sida uu xaqiijiyay Aqooyahan Aadan Maxamed Ciise Gaadaalle kana Mid ah Aqonyahanada Puntland.

images (1)

Aqooyahan Aadan Maxamed Ciise Gaadaalle kana Mid ah Aqonyahanada Puntland ayaa sheegey inuu soo dhawayn balaaran iyo ka qayb qaadasho ka heley dadka reer Puntland ee wadadan isticmaali doona wuxuuna ku baaqay in wadadan dhismaheeda laga qayb qaato.

Waxaa uu xusey in qof waliba oo muwaadin ah looga bahan yahay inuu wadadan ka qayb qaato madama ay wadadan istcmaali doonaan dadka shacabka ah qaab dhismeedka wadadan ayuu masuulkaan sheegey inuu wax badan ka badlan yahay wadooyinka kale.

Hoos ka dhagayso Aqooyahan Aadan Maxamed Ciise Gaadaalle

About The Author