Qandala,Tuubooyinka biyaha Magaalada Keenijirey Oo Maalinkii Afaraad Go,an

Degmada qandala oo ee gobolka bari waxaa maalinkii afaraad go,an tuubooyinka biyaha u qaybin jirey xaafadaha magaalada kadib markii kooxda daacish oo saldhig ku leh buurta Toox oo 2 Km u jirta magaalada ay jareen tuubooyinkaas.

Ceelka ay kasoo baxaan tuubooyinka biyaha u qaybiyah xaafadaha qandala ayaa waxaa uu ku yaala buurta roox oo ah halka kooxda daacish ay dagan yihiin waxaana masuuliyiinta maamulka degmada Qandala ay xaqiijiyeen go,aanashaha biyaha iyo in kooxdaas jareen.

Biyaha go,an maalinkii afraad ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xili dhawaan ciidanka difaaca dowlada Puntland ay dagmada qandala ee gobolka bari ay ka sifeeyeen kooxahan nabad diidka ah oo hada bilaabay falalka aar sashada shacabka ah madama aysan ciidanka u babac dhigi kari.

Puntlandes,com

About The Author